Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa, Mudane Aadan Maxamed Cali, ayaa ka qayb galay Shirka Wasiirrada IGAD ee Xoolaleyda ka Gudba Xuduudaha iyo Horumarinta Xoolaha oo ka dhacay magaalada Addis Ababa intii u dhaxaysay 19–21 Nofeembar 2025.
Ujeeddada shirka waxay ahayd fududaynta isu-socodka xoolaha, in la mideeyo siyaasadaha ganacsiga xoolaha, iyo in la dhiso adkaysiga bulshooyinka xoolo-dhaqatada ee dalalka xubanaha ka ah IGAD.
Wasiir-ku-xigeenka, oo shirka kelmed ka jeediyay, ayaa caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay meelmarinta Heshiiska IGAD ee Isu-socodka Xoolaleyda oo muhiim u ah amniga, sharciyeynta, iyo fududeynta dhaqdhaqaaqa xoolaha. Wuxuu sidoo kale xusay dadaallada ballaaran ay Soomaaliya ku horumarinayso nidaamyada caafimaadka xoolaha, maaraynta daaqa, iyo tayaynta halbeegyada ganacsiga xoolaha, si loo helo suuqyo cusub.
Ugu dambayn, Wasiirada ayaa si wadajir ah u saxiixay bayaan lagu adkeeynaayo go’aanka ah in la dardargeliyo Heshiiska Isu-socodka Xoolaleyda IGAD, si loo kordhiyo wax-soosaarka xoolaha, ganacsiga xoolaha, iyo horumarinta caafimaadka xoolaha, si ay u gaaraan heerarka laga rabo suuqyada caalamka.





