Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa ee JFS, Mudane Adan Maxamed Cali, ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda aan walaalaha nahay ee Ciraaq. Kulanka waxaa qeyb ka ahaa ganacsato iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan Sanduuqa Shuhadada.
Ujeeddada booqashada wafdiga waxaa qayb ka ahayd in ay soo sahamiyaan fursadaha maalgashi ee xoolaha iyo waxsoosaarka xoolaha Soomaaliya. Wasiir Ku Xigeenka ayaa wafdiga uga warbixiyey horumarka iyo kororka dhoofka xoolaha ee sannadihii u dambeeyay, wuxuuna xusay dadaallada Wasaaraddu ay ku tayeysay nidaamyada iyo shuruucda la xiriira ganacsiga iyo dhoofka xoolaha.
Kulanka waxaa lagu gorfeeyay sida ganacsatada Ciraaq ay uga faa’iideysan karaan fursadahaas, suurtagalnimada maalgashi toos ah oo kor u qaada ganacsiga xoolaha Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa suuqyo cusub.
Ugu dambeyn, Wasiir Ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyey wafdiga Dowladda Ciraaq booqashadooda, waxaana la isla arkay in labada dal ay sii adkeyaan iskaashiga gaar ahaan horumarinta iyo kobcinta ganacsiga xoolaha Soomaaliyeed.












