Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xil. Adan Maxamed iyo wafdi u hoggaaminayay oo ka qeyb galay shirka STC-ARDWE

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xil. Adan Maxamed iyo wafdi u hoggaaminayay ayaa ka qeybgalay Shirka 6aad ee Guddiga Farsamo ee Midowga Afrika ee Beeraha, Horumarinta Miyiga, Biyaha iyo Deegaanka (STC-ARDWE) oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.
Shirkan waxaa diiradda lagu saaray dib u eegista waxqabadka laga gaaray Ajendaha Qaaradda Afrika ee Malabo (2014–2025), waxaana sidoo kale lagu dejiyay yoolaalka cusub ee Ajendaha Kampala (2026–2035) gaar ahaan xoojinta nidaamyada cuntada, la-qabsiga isbeddelka cimilada iyo maaraynta biyaha.
Ka qeybgalka Soomaaliya wuxuu qayb ka yahay dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo caafimaadka xoolaha, casriyeynta nidaamyada maxjarada iyo dhoofka, dib-u-dhiraynta, iyo si guud kobaca dhaqaalaha iyo nolosha xoolo-dhaqatada
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department