Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo maanta Kormeer shaqo Ku yimid Xarunta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta&Daaqa.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo maanta Kormeer shaqo Ku yimid Xarunta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta&Daaqa.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa waxaa Si diiran ugu soo dhoweeyey Wasaaradda, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Elaay).

Inta uu socdey kormeerka ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka warbixino ka dhageystey Wasiirka iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha iyo lataliyaasha Wasaaradda, ayadoona warbixino ku saabsan waxqabadka wasaaradda laga siiyay mudadii sedaxda sano ahayd ee lasoo dhaafey.

Wasiirka ayaa ugu warbixiyey Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka waxyaabaha ugu muhiimsanaa ee qabsoomey mudadii Sedaxda sano ee lasoo dhaafey iyo dhameystirka hiigsiga xukuumada dan qaran.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa ku bogaadiyey Wasiirka iyo Agaasimeyaasha Shaqada adag ay ka qabteen Wasaaradda isagoo ku dhiira geliyey in lasii wado dadaalada lagu taageeraayo xoolo dhaqatada Soomaaliyeed si dalka ugaaro filnaasho.

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department