Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Ali oo daah furay Munaasabada Xuska Maalinta Cuntada Aduunka.
Munaasabadaan oo ka dhacday Xarunta dhexe ee Wasaarada ayaa waxaa kasoo qeyb galay Masuuliyiin kala duwan oo ka mid yahay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane Aadan Maxamed Ali , Agaasime yaal ka socda Wasaaradaha Kaluumeysiga iyo kheyraadka baluuga, Wasaaradda Qorsheynta , Agaasime yaalka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo shaqaalaha kala duban ee wasaaradda iyo ururada iskaashatooyinka kala duban sida Caanaha, hilibka, Kaluunka, Digaaga, Ukunta ,Yogurt ,malabka iyo calafka xoolaha.
Kulan kaan oo ahaa mid lagu weyneenaayo maalinta cuntada Aduunka oo ku beegan 16 October ayaa sanad walba wasaaradda Xanaanada Xoolaha qabataa munaasabad lagu xusaayo iyadoona Waaxda horumarinta Wax soosaarka Xoolaha ay kaalin weyn ka qaadato qabsoomida munaasabadaan.
Inta ay socotay munaasabada ayaa waxaa goobta ka hadlay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Mudane Aadan Maxamed iyo agaasimaha Maamulka iyo maaliyada ahna ku simaha Agaasimaha guud Mudane Cabdishakuur Cali cilmi iyo Masuuliyiin ka socday Ururada iskaashatooyinka soo saara cunada qeybta xoolaha laga soo saaro iyadoona munaasabada lagu so bandhigay dood wadaag taasoo lagu lafa guray dooda miiska saarneed.
Ugu dambeyn qeybaha kala duban bulshada ee kaso qeybgalay munaasabada ayaa bogaadiyay sida Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa uga go ‘antahay inee dhiiro geliso ururada iskaashatooyinka iyo in soomaali gaarto isku filnaasho cunto.


















