Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Badqabka Caanaha.
Sharcigan cusub wuxuu dejinaaya nidaam cad oo lagu hago waxsoosaarka, farsamaynta iyo suuqgeynta caanaha, wuxuu hirgelin doona halbeegyo nadaafadeed, shatiyo iyo kormeer joogto ah si loo ilaaliyo caafimaadka bulshada loona dhiso kalsoonida macaamiisha ay ku qabaan waxsoosaarka caanaha Soomaaliyeed.
Sharcigani wuxuu qayb ka yahay ajandaha qaran ee horumarinta badqabka cuntada iyo kaabayaasha tayada, waxaa u fure u yahay kobaca warshadaha caanaha oo loo marayo hirgelinta nidaamyada, maalgashiga iyo shaqo-abuur.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hassan Hussein Mohamed ayaa ugu mahadceliyay Golaha Wasiirrada ansixinta hindise sharciyeedkan muhiimka ah.