Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta&Daaqa ayaa magaalada Muqdisho ku qabtay shir loogu hadlaayay Qiimeynta Bartamaha Mudada (Midterm Review) ee Istaraatiijiyadda Horumarinta Xoolaha Soomaaliya ee 10-sano (LSDS) 2020-2030.
Shirka waxaa ka soo qeyb galay Agaasimeyaasha Guud ee Dowlad Goboleedyada, khubaro ka socday (private sector) oo wasaaradda la shaqeeya, iyo Hay’addaha kale ee dowlada.