Wafdi balaaran oo hogaaminaayo Madaxweyne Xasan Sh oo qeyb ka ah Wasiirka XXDH&D Mudane Xasan Elaay oo ka qeybgalay Shirka Qiimaynta Nidaamyada Cuntada ee Qaramada Midoobay (UNFSS+4)

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane Hassan Hussein Mohamed oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qayb-galaya Shirka Qiimaynta Nidaamyada Cuntada ee Qaramada Midoobay (UNFSS+4) oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa, Itoobiya.
Shirkan heerka sare ee UNFSS+4 wuxuu xoogga saaraya dardargelinta isbeddelka nidaamyada cunnada si loo gaaro adkaysi, sinaan, iyo xal waaro. Xoolaha waa laf-dhabarta dhaqaalaha iyo hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeeed, waana udub-dhexaadka isbeddelka aynu hiigsanayno. Shirkani wuxuu fursad u yahay dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, si ay u muujiyaan horumarka ay gaareen una helaan taageero caalami iyo isbeddel waara oo loo dhan yahay.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department