Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Maxamed Saneey Dalmar, ayaa daahfuray shirweynaha wadatashiga qaran ee tababaridda khubarada fidinta xanaanada xoolaha.
Shirkan oo Socon doona Laba Maalin ayaa waxaa ka qey galay Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha Xanaanada Xoolaha ee Dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed ,Hirshabelle, Galmudug Jubaland iyo Maamulka Waqooyi Bari iyo dhammaan daneeyayaasha xoolaha.
Ka qeybgalayaasha kulanka ayaa ugu horeyn ka hadlay muhiimada ay leedahay sare u qaadida wax soo saarka xoolaha, iyagoo is tusaaleeyay sida ay muhiim u tahay in la helo iskaashi dhaba oo lagu horumarinayo wax soo saarka Xoolaha , oo kamida ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan Dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Maxamed Saney Dalmar, oo si rasmi ah u furay shirka, ayaa xusay in ay ka wasaarad ahaan muhiimad gooni ah siin doonaan awood-siinta ururada wax soo saarka xoolaha, xoojinta qaab-dhismeedka bulshada, kor u qaadista awoodda farsamada iyo dardargelinta isbeddelka beeraha iyo xoolaha, taas oo kordhin doonta wax soo-saarka, islamarkaana abuuri doonta xalal waara iyo u adkaysi ay helaan beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada Soomaliyeed.