Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa DFS ahna Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Mudane Cabdishakuur Cali Cilmi ayaa xilka u kala wareejiyey Agaasimaha hore ee Waaxda Caafimaadka Xoolaha & Agaasimaha cusub.
Munaasibad ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah Agaasime Waaxeed-yada Wasaaradda, Shaqaalaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha & Marti sharaf kale.
Ugu horayntii Agaasimahii hore Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa DFS Marwo Drs. Shariifo Cali Cilmi ayaa munaasibadda ka sheegtay wax-yaabaha u qabsoomay mudadii ay xilka haysay, Waxa ay sidoo kale Agaasimaha cusub Dr. Qaasin Cabdi Macalin u rajaysay in uu ALLE xilka u fududeeyo.
Agaasimaha cusub ee Waaxda Caafimaadka Xoolaha Mudane Dr. Qaasin Cabdi Macalim ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore Drs Shariifo shaqada culus ee ay soo qabatay, Waxa uu sheegay in uu halkaa kasii wadi doono shaqada hortaalla.
Dhanka kale waxa uu shaqaalaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa DFS iyo Madaxda Wasaaradda ugu baaqay in ay la shaqeeyaan.
Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa DFS ahna Agaasimaha Maamulka & Maaliyadda Mudane Cabdishakuur Cali Cilmi oo ugu dambayntii xilka si rasmi ah ugu kala wareejiyey labada masuul ayaa kula dar-daarmay Agaasimaha cusub Dr. Qaasin Cabdi Macalim in uu halkaa kasii wado shaqada, Waxa uu sheegay in shaqada Dowladdu ay tahay qori isu dhiib maalinba mid loo magacaabayo, Agaasimihii hore Marwo Drs. Shariifo Cali Cilmi ayuu u rajeeyey mustaqbal fiican iyo boos kan kasii sareeya.