Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta Iyo Daaqa XFS Xildhibaan Hassan Hussein Mohamed oo martgaliyay Kulanka Guddiga Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta Iyo Daaqa XFS Xildhibaan Hassan Hussein Mohamed ayaa martgaliyay Kulanka Guddiga Maalmaha Xorriyadda Iyo Midnimada ee 26-Juun Iyo 1-da Luulyo.
Kulanka uu Guddoomiyay Ku Xigeenka Guddoomiyaha Guddiga Ahna Wasiirka Deeganka XFS Xildhibaan Bashiir Maxamed Jaamac ayaa looga hadlay muhiimadda maalmahan qaran, weyneyntooda, sidii looga xusi lahaa dal iyo dibad, iyo guud ahaan dardargalinta hwolaha qabanqaabada Munaasabadahan ay qeyb ka yihiin hey’adaha Kala duwan ee dowladda.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Dhalinyarada XFS, Wasiirka Beeraha XFS XFS, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada XFS, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga XFS iyo Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta XFS.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department