Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa XFS oo muqdisho ku qabatay shirka wadatashiga iyo ansixinta Siyaasadda iyo sharciga Xakameynta Dawooyinka Xoolaha.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa XFS oo muqdisho ku qabatay shirka wadatashiga iyo ansixinta Siyaasadda iyo sharciga Xakameynta Dawooyinka Xoolaha.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XfS Mudane Maxamed Saneey Dalmar ayaa maanta Muqdisho ka furay wadatashi ku saabsan qiimeynta iyo ansixinta Siyaasadda iyo sharciga Xakamaynta Dawooyinka Xoolaha oo muhiim u ah badbaadada xoolaha ,ilaalinta caafimaadka bulshada, iyo xoojinta dhoofka xoolaha.
Kulanka oo ay ka qeyb galeyn Wakiilo ka kala socda wasaaradaha iyo heyadaha dowladda, maamul goboleedyada, ganacsatada dawooyinka Xoolaha iyo qubaro kala duwan ayaa lagu falanqeyn doonaa Muhiimada ay leedahay Siyaasada iyo sharciga Xakameynta Dawooyinka Xoolaha taas oo sahli doonta In la helo ,kormeer iyo isla xisaabtan ku saabsan daawooyinka Xoolaha si meesha looga saaro Daawooyinka ay tayadoodu liidato iyo kuwa la been abuuray oo hadaan la xakameyn halis gelinaya caafimaadka Xoolaha oo kamida ilaha dhaqaale ee ugu muhiimsan Dalka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha SSC Khaatumo Maxamed Maxmuud Muuse iyo Agaasimaha Xuduudaha&Dowlad Goboledyada Hey,adda taya dhowrka qaranka Cabdirizak Xuseen Aadan oo ayaa ugu horeyn ka hadlay madasha.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS Mudane Maxamed Saneey Dalmar oo furay kulanka ayaa Xusay in Siyaasadda iyo sharciga Xakamaynta Dawooyinka Xoolaha uu muhiim u yahay caafimaadka Xoolaha, badqabka macaamiisha iyo horumarinta nolosha reer miyiga.
Ka qeyb galayaasha kulankana looga baahanyahay ineey si qoto dheer uga doodaan qodobada ku darista ama ka dhimista u baahan si ugu dambeyn loo ansixiyo.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department