Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha, Dhirta & Daaqa Mudane Hassan Hussein Mohamed iyo howlwadeeno ka socda Wasaarada ayaa ka qayb galaya shirweynaha 92-aad ee Ururka Caafimaadka Xoolaha Adduunka (WOAH) oo ka dhacaya magaalada Paris ee dalka Faransiiska.
Shirweynaha guud ee WOAH waxaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee horumarinta caafimaadka xoolaha, ka hortagga cudurrada iyo la tacaalidda khataraha cusub.
Wasiir Xasan ayaa madal heer wasiir ah ka xusay kaalinta muhiimka ah ee xooluhu ku leeyihiin dhaqaalaha Soomaaliyeed, wuxuuna ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga ka hortagga iyo xakameynta cudurrada xoolaha, helitaanka tallaalka iyo adeegyada caafimaadka xoolaha.
Wuxuu Wasiirka mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay la shaqeynta bahwadaagta caalamiga si loo dhiso nidaamyo adkeysi leh oo taageera ganacsiga xoolaha, nolosha reer guuraaga, iyo koboc waara.