Agaasimaha Guud Wasaaradda XXDh&Daaqa XFS DG Maxamed Cumar ayaa maanta muqdisho ka furey shirka mashruuca soo kabashada xasaradaha Somalia

Muqdisho 08 October 2024:-
Agaasimaha Guud Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS Agaasime Maxamed Cumar ayaa maanta muqdisho ka furey shirka mashruuca soo kabashada xasaradaha Somalia oo uu maalgeliyo Bangiga adduunka kaas oo looga hadlayo sedexda maalin ee soo socota isku xirka qaybaha xogta Iyo xog aruurinta cudurada Xoolaha labada heer ee Dalka.
Agaasimaha oo furitaanka shirkan ku wehlinayey isku-duwaha Mashruucaan Cali Sheekh Maxamed ayaa kasoo qeyb galayasha kula dardaarmey in muhiimada ay saaraaan sedexda maalin ee soo socota doodaha iyo aragtiyada isdhaafsan doonaan kasoo qeyb galayasha waxaaan inta uu shirka socda ka qeyb gali doona xubno ka kala socda Wasarada xanaanada xoolaha federalka, Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dowlad Goboleedyada Jubaland, Koonfur Galbeed Iyo Hir-shabeele.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department