Wasiirka Wasaaradda XXDh&D ee JFS Mudane Hassan Hussein Mohamed ( Eeley) ayaa hadal ka jeediyey madasha horumarinta Dhaqaalaha

Muqdisho 12, Agoosto, 2024,
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada xoolaha dhirta Iyo Daaqa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hassan Hussein Mohamed ( Eeley) ayaa hadal ka jeediyey madasha horumarinta Dhaqaalaha waxaa wada jir u qabanaya Machadka Heritage iyo Jaamacadda City.
Hadaljeedinta Wasiirka Ayuu Ku Muujiyey in Marka laga hadlayo dhaqaalaha dalka Dhanka Xoolaha ay ka Yihiin Kuwaa qaata doorka ugu Muhiimsan.
Wuxuuna Xusey in lacagaha ka soo gala dalka dhanka dibada ay ugu badan tahay Mida Xoolaha oo qeyb ka qaadan karta horumarinta guud ee Dhaqaalaha dalka.
Ugu danbeyn wasiir Hassan ayaa Ganacsatada & Dhalinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay iney maalgashi ku samaystaan dhanka xoolaha ee dalka.
All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department