Waxaa maalintii labaad magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG DGKGS ka socda tababar kor loogu qaadayo kobcinta aqoonta ganacsiga xoolaha, ee xoola-dhaqatada soomaaliyeed

Baydhabo-31-Dec-2023

Waxaa maalintii labaad magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG DGKGS ka socda tababar kor loogu qaadayo kobcinta aqoonta ganacsiga xoolaha, ee xoola-dhaqatada soomaaliyeed kaas oo soo agaasintey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS.

Tababarkaan oo socon doona muddo ku siman 5 maalin ayaa inta uu socdo looga hadli doonaa ku xirka xoola dhaqatada Soomaaliyeed ee suuqyada xoolaha waaweyn, dhisida aqoontooda maamulka,qorshe howleedka ganacsiga, adeegsiga maal-gelinada waxsoo-saarka, cudurada qatarta ku ah koritaanka, sii socodka wax soo saarka xoolaha iyo in ay ka guuraan keliya iney ku noolaadaan xoolaha, una guuraan waxsoo-saar xoolo oo ku saleysan qaab ganacsi udhaqasho.

Tababarkan inta uu socdo waxaa taageeraya mashruuca Drive oo ay ujeedadiisa ay tahay in xoola dhaqatada lasoo geliyo suuqyada oo ay hadda si wanaagsan uga faaideysan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department