Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Maxamed Ali ayaa dalka Tanzania uga qeyb galey Shirka 24-aad ee Guddiga Dhirta iyo Duurjoogta Afrika

Arusha -Tanzania, 31 October.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Aadan Maxamed Ali ayaa dalka Tanzania uga qeyb galey Shirka 24-aad ee Guddiga Dhirta iyo Duurjoogta Afrika kaas oo ay isugu yimaadeen dhammaan dowladaha Afrika.

Shirka ayaa waxaa looga hadley Maareynta joogtada ah ee Kaymaha iyo Khayraadka Duurjoogta Afrika, Kobcinta Haqabtirka cuntada iyo U-adkaysiga Isbeddelka Cimilada si loo horumariyo nolosha shacuubta Afrika.

Wasiirka ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey kulanka waxa uuna ugu baaqay dowladaha Afrika in ay iska kaashadaan wax ka qabashada xaalufinta dhirta iyo ka ganacsiga kaymaha iyo waxsoosaarka duurjoogta iyo Maalgelinta joogtada ah ee barnaamijyada kaymaha iyo duur-joogta ee Afrika, sidoo kale Isbeddelka Cimilada si horumar waara loogu helo Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

All Rights Reserved by MOLFR- Designed by ICT Department