Baydhabo -13-Sep-2023
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa XFS Wasiir Mudane Xasan Xuseen (Eelay) iyo Wasiirka beeraha ayaa baydhabo ka furey shir looga hadlaayey mashruuca nidaamka sugnaanta cuntada Soomaaliya oo u dhaxeeyey Wasaaradaha Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha Xukuumada Federaalka iyo kuwo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Furitaankii Shirkan waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro ka socdey DGKGS, Agaasimeyaal iyo qaar ka mid ah hawl wadeenada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha kaas oo intii uu socday lagu lafa guray Mashruuca Nidaamka Sugnaanta Cuntada Soomaaliya.